3612 Views

Diyaarad Ay Leedahay Hay’adda WFB,Oo Ku Dhacday Degmada Garbahaareey

Diyaarad Ay Leedahay Hay’adda WFB,Oo Ku Dhacday Degmada Garbahaareey
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 03, 2017 ——Diyaarad u rarneed Hay’adda WFB,ayaa Maanta ku dhacday Garoonka diyaaradaha degmada  Garbahaareey ee Xarunta  Gobolka Gedo kadib markii ay cilad soo wajahday.

Diyaaradaan ayaa sida raashin Nafaqeysan oo loogu talo galay dadka nafaqadarada heysa ee ku nool degmada Baardheere waxaana la sheegay in qeyb kamid ah diyaarada ay gubtay sida uu Qarainmo uu u sheegay gudoomiye ku xigeenka degmada Garbaahareey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Waxa kaloo hadalkiisa uu intaas ku daray in Diyaarada ay markii hore ku dhacday Guri ay degan yihiin dad rayid ah balse ayna cid wax gaarsiin marka laga reebo in Diyaarada qeyb kamid ah ay gubatay sida uu hadalka u dhigay.

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment