2283 Views

Gudoomiyaha Gobalka Oo Kahadalay Sababta Uu Ku Doortay 4 Gudoomiye Degmo In Ay Dumar Noqdaan

Gudoomiyaha Gobalka Oo Kahadalay Sababta Uu Ku Doortay 4 Gudoomiye Degmo In Ay Dumar Noqdaan
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 03, 2017 ——Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho thaabit Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay sababta uu ku xushay in 4 Dumar ah ay kamid noqdaan GudoomiyaashaCusub ee uu dhawaan u magacaabay gudoomiyaasha degmooyinka Gobolkaan Banaadir.

Waxa uu sheegay in inta aan la magacaabin ka hor ay jirtay Wareysi ama imtixaan laga qaadayo qofka xilkaas raadinaya,islamarkaana hadii uu soo buuxiyo Shuruudaha laga rabo lagu aaminkaro xilkaas,

Waxa uu hadalkiisa uu intaas raaciyay in qofka aan loo fiirineyn Rag iyo Haween balse lagu qiimeynayay mayahay qof wax u qaban kara Bulshada masuulka looga dhigay,waxa uuna sheegay in Haweenka ay yihiin kuwo laba masuuliyadood xil iska saara ama qabta.

Thaabit Cabdi Maxamed Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa dhawan gudoomiyaashii uu u magacaabay gobolkaan Banaadir 4 kamid ah waxa uu u dhiibay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir taas oo Shacabka ay inta badan hadal hayeen.

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment