2754 Views

Maamulka Jubaland Oo Ka Hadalay Dagaal ay Lagaleen Al-shabaab

Maamulka Jubaland Oo Ka Hadalay Dagaal ay Lagaleen Al-shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 03, 2017 ——Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa Magaalada Kismaayo kusoo bandhigay Meydadka labo nin oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab iyo sidoo kale hubkii ay wateen.

Taliyaha Guud ee Ciidamada maamulka Jubbaland Aadan Maxamed ayaa Saxaafadda u sheegay in Meydadkaan iyo sidoo kale hubkaasi lagu soo qabtay dagaal shalay ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Waxaa uu sheegay in labadaasi nin ay qeyb ka ahaayeen dagaalyahano weerar kusoo qaaday Ciidamada maamulka Jubbaland , laakiin ay iska difaaceen.

Ugu dambeyntii waxaa uu sheegay in ay diyaar u yihiin in ay ka hortagaan Weerar kaste oo dagaalyahanada Al-Shabaab ay kusoo qaadaan gobolka Jubbada Hoose.

 

war bashiir jubalandr

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment