2601 Views

Nabadoon Caan Ah Oo Laga Afduubtay Degmada Walaweyn

Nabadoon Caan Ah Oo Laga Afduubtay Degmada Walaweyn
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 03, 2017 ——Rag ku labisan dareeska Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Gurigiisa xalay kala baxay Nabadoon Caanka ah degmada Walaweyn ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Nabadoonka ayaa waxaa lagu magacaabaa Nabadoon Siidow Axmed Shinbirow,waxana ilaa iyo hada jirin cid cadeysay sababta Nabadoonkaas loo kaxeestay iyo cida ka dambeeysa afduubkiisa.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo aan xiriir la sameynay ayaa Qaranimo u sheegay in aysan weli garaneyn sababta loo afduubtay Nabadoon Shinbirow, balse ay maqleen in lala aaday dhanka Garoonka Diyaaradaha ee Bali-Doogle ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Waxaanan noo suurtagelin xiriir aan la sameynay maamulka degmada Walaweyn si aan wax uga weeydiino afduubka xalay loo geestay Nabadoon Siidow Axmed Shinbirow.

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment