3522 Views

DAG-DAG:-Sadax Ruux Oo Lagudilay Galgaduud

DAG-DAG:-Sadax Ruux Oo Lagudilay Galgaduud
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 03, 2017 ——Wararka naga soo gaaraya degaanka Galinsoor ee gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in Saaka Maleeshiyaad hubeysan ay duleedka degaankaasi ku dileen Saddex qof oo xoolo dhaqato ah.

Dilkaan ayaa waxaa loo geystay dadka reer guuraa ah oo kasoo jeeda maamulka Galmudug sida uu Qaranimo  u sheegay qof ka mid ah dadka degaanka.

Maleeshiyaadka dilka geystay ayaa waxa ay ka yimaadeen degaanka Saaxo Qurun, waxaana la sheegay in ay halkaasi dib ugu laabteen Markii ay dilka geysteen.

Maamulka degaanka Galinsoor ayaa Qaranimo u sheegay in sidoo kale kooxaha hubeysan ay jirdil u geysteen haween ku sugnaa goobta ay ku dileen Saddexda Nin.

Odayaasha dhaqanka degaanka ayaa waxa ay waddaan dadaallo kala duwan oo ay ku doonayaan in ay wax kaga qabtaan falalkaan kusoo laablaabtay degaanka Galinsoor.

Maalmo ka hor ayaa degaanka Saaxo qurun lagu dilay Labo ruux , waxaana Wararku ay sheegayaan in dilka Saddex nin uu arintaasi la xariiro.

 

 

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment