2565 Views

Shirar lagu diidanyahay gogosha Balcad, oo Muqdisho ka bilowday

Shirar lagu diidanyahay gogosha Balcad, oo Muqdisho ka bilowday
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 03, 2017 — Shirar kala duwan oo looga soo horjeedo gogosha Balcad, ee la doonayo in lagu dhiso maamul goboleed uu yeesho Gobolka Banaadir, ayaa ka bilowday magaalada Muqdisho, taas oo dhib badan la imaan doonto.

Shirkan oo Muqdisho uga socda waxgaradka, nabadoonada iyo siyaasiyiinta Beesha Galmaax ayaa waxay ku diidan yihiin gogosha la fidiyay Balcad, oo an la isku raacsanayn.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa dhowaan shaaca ka qaaday inuu Balcad dhigayo gogol lagu dhisayo maamul goboleed uu yeesho Gobolka Banaadir.

Cali Cosoble ayaa ku andacooday in hadii shalay Puntland ay is garab taagtay dhismaha Jubbaland, in maamulkiisa uu diyaar u yahay inuu gacan ka geysto dhismaha Maamul uu yeesho Gobolka Banaadir, in kastoo uusan ka hadlin cidda dan ku qabto.

Xildhibaan Mina Xasan Shibis iyo Malaaqa Xamar iyo Xamar Daye, Xildhibaan hore Qaasim ayaa hoggaaminaya shirarka looga soo horjeedo gogoshaas, iyagoo caddeeyay in xilligan aan loo baahneyn gogol loo dhigo Banaadir.

Sidoo kale waxaa ay taageeraan in barnaamijka maqaam raadinta Gobolka Banaadir loo maro hab nabadeed, isla markaana looga dambeeyo Maamulka Gobolka Banaadir oo uu hoggaamiyo Guddoomiye Taabid Cabdi Maxamed, taas oo dad badan ay ku raacsanyihiin

Bisha Ramadaan kaddib ayaa la qorsheynayaa in degmada Balcad laga furo gogosha lagu dhisayo maamul uu yeesho Gobolka Banaadir, waxaana arrintan la isla dhex marayaa inay noqon doonta mid mucaarado adag ku furto dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Dad badan oo ka mid ah bulshada deggan Muqdisho, ayaa la yaa yaaban Gogoshaan uu Cali Cossoble doonayo in uu dhigo Balcad.

WQ/: Ali Omar Ghedi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment