2520 Views

Xildhibaano Sheegay In ay ku guda jiraan sidii loo socelin lahaa Maqaamka Muqdisho

Xildhibaano Sheegay In ay ku guda jiraan sidii loo socelin lahaa  Maqaamka Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 03, 2017 ——Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii Shacabka Gobolka Banaadir ay u heli lahaayeen Xuquuqdooda.

Sidoo kale Xildhibaanada waxa ay sheegeen in wadada sharciga ay u marayaan sidii loo heli lahaa Xuquuqda Gobolka Banaadir isla markaana iyagoo aan dad ku xad gudbin ay ka shaqeynayaan helida Xuquuqda Gobolka Banaadir.

Xildhibaanadaan ayaa sidoo kale sheegay in aysan dad ku xad gudbi doonin balse ay ka shaqeynayaan sidii loo heli lahaa Xuquuqda Shacabka.

Xildhibaan Qaasim Cali iyo Xildhibaan Mina ShibisXasan ayaa si wadajir ah u sheegeen in lagama maarmaan ay tahay sidii lagu heli lahaa Xuquuqda Gobolka Banaadir.

Waxa ay xuseen in ay ku dadaalayaan sidii loo heli lahaa Xuquuqda Maqan iyo sidii loo hormarin lahaa Gobolka Banaadir.

Waxaa Magaalada Muqdisho ka soconayo kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanaya siyaasiyiinta, Odayaasha iyo Xildhibaano, waxaana kulamadaasi loogu hadlaya sidii loo heli lahaa Xuquuqda maqan ee Gobolka Banaadir.

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment