3027 Views

C/wali Garyare oo u socdo xilka Madaxweyne kuxigeenka Galmudug

C/wali Garyare oo u socdo xilka Madaxweyne kuxigeenka Galmudug
____________________________________________________________________________
Muqdisho  | QOL | June 04, 2017 — C/wali Ibraahim Garyare oo xalay Afur u sameeyay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, ayaa sheegay inuu u socdo xilka Madaxweyne kuxigeenka Galmudug.
Siyaasingaan da’da yar ah, ayaa Xildhibaanada uu afurka u sameeyay kala hadlay labo arrimood, isagoo ugu horeyn ku bogaadyay sida geesinimada iyo xilkasnimada ay u sameeyeen is bedel la taabo karo.
Waxaa kale uu kala hadlay sidii ay u sii wadi lahaayeen is bedelka lama huraanka ah, ayna u sii wadi lahaayeen la xisaabtanka hey’adaha fulinta oo ay ayagu sharciga u hayaan.
Mudane Garyare ayaa taageeray mooshinka laga diyaariyay Madaxweyne kuxigeenka Maxamed Xaashi Carabey, kaasoo maalmihii la soo dhaafay ay wadeen Xildhibaanada, inkastoo Baarlamaanka Galmudug uu fasax ku jiro Ramadaan-na ay tahay.
Garyare waa siyaasi da’yar, wana wariye iyo hal-abuur dhaliye bulshada Soomaaliyeed laga dhex yaqaan, inkastoo lagu tiriyo raga sida weyn uga soo horjeeda dowlada Madaxweyne Farmaajo taas oo siyaasad iska ah.
Bishii May, ayay aheyd markii Axmed Ducaale Geelle Xaaf loo doortay xilka Madaxweynaha Galmudug, kaddib doorasho ka dhacday magaalada Cadaado, oo ah Caasimad ku meel gaar ah.
 WQ:- Ali Omar Ghedi
_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment