2409 Views

Hay’ada UNICEF Oo Ku Baaqday Wax Kaqabashada Xalada caruurta soomaliyeed

Hay’ada UNICEF Oo Ku Baaqday Wax Kaqabashada Xalada caruurta soomaliyeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 04, 2017 ——Hay’adda Caruurta u qaabilsan Qaramada Midoobey ayaa si deg deg ah ugu baaqday in wax laga qabto Abaaraha ka jira Soomaaliya oo si weyn u saameeyay Caruurta , islamarkaana ay kuwo badani u dhinteen haddana kuwo kale ay qarka u saaran yihiin in ay u dhintaan.

1.5 Million oo Caruur Soomaaliyeed ah ayaa wajahaya Macaluul sida ay Shaacisay Hay’adda Unicef.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in dadka Abeeraleyda  iyo xoolaleyda ah in ay qarka u saaran yihiin in ay lumiyaan Beerahooda   iyo sidoo kale Xoolahooda Abaarta ka jirta Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan Hay’adda UNICEF ayaa Saxaafadda u sheegay in qaar ka mid ah dowladaha Caalamka ay ka gaabiyeen gargaarida Xaaladda ay ku sugan yihiin Caruurta Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay in Hay’adda UNICEF ay furi doonto Sanduuq loogu gurmaanayo Caruurta Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah dowladaha Caalamka ayaa balan qaaday in ay wax ka qaban doonaan Abaaraha ka jira Soomaaliya.

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment