2817 Views

kooxada Daacish oo laysay dad Shacab ah

kooxada Daacish oo laysay dad Shacab ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 04, 2017 ——Koox udooda xaquuqda aadanaha ayaa ururka daacish waxa ay ku eedeeyeen in dad shacab ah ay ku dileen magaalada Mosul labadii maalin ee ugu danbeeysay

Dave Eubank, oo ka mid ah kooxda bini’aadmimada ayaa u sheegay wakaalada wararka ee  Reuters in ay  yaaleen meydad badan xaafadda Zanjili oo ku taal galbeedka magaalada mosul.

“labadii maalmood ee lasoo dhaafay Daacish ayaa toogatay dad shacab ah oo ka baxsanaayay dagaalka ka socda magaalada Mosul,waxaan shalay argnay meydadka dad ka badan 50 qof,waxaan soo badbaadinay gabar yar iyo hal nin laakiin wali wax kale ayaa sii jira.” ayuu yiri Dave Eubank.

Dhanka kale nin dhalinyaro ah ayaa sheegay in uu ka mid ahaa koox dad shacab ah oo ku dhaawacmay weerar cirka ah oo lala beegsanaayay kooxda Daacish oo ku dhex dhuumanaayay dad badan .

“ Waxaan aheyn koox dad rayid ah oo gaarayo 200 ilaa 250 waxaa noo yimid Daacish markii ay noo yimaadeen waxaa ka war helnay madaafiic waa Weyn laakiin waan iskaga baxsay goobta “ayuu yiri

In ka badan 700,000 oo qof ayaa iskaga qaxay magaalada Mosul halka qaar kale ay wali ku go’adoonsan yihiin goobaha ay ka taliyaan ururka Daacish

Wali waxaa magaalada Mosul ka soconaayo dagaal udhexeeyo ciidamada ciraaq iyo kooxda Daacish .

 

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment