2565 Views

dhagayso:-Maamulka Puntland oo soo saaray Digniin ku socota Shacabka

dhagayso:-Maamulka Puntland oo soo saaray Digniin ku socota Shacabka
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 04, 2017 ——Maamulka Puntland ayaa ka digay cudurka Shuban biyoodka in uu ka dilaaco degaanada maamulka Puntland.Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka maamulka Puntland Cabdinaasir Cismaan Ciise oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in dadka ree Puntland laga doonaayo in ay ka feejignaadaan Cudurka Shuban biyoodka Maadaam degaano ka tirsan Puntland hadda lagu arkay.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dadka ka yimaada Magaalada Burco ee yimaada degaanada maamulka Somaliland ay cudurkaasi keenikaraan,maadaama Magaalada Burco ay tahay Meesha ugu daran ee hadda uu faro kulul ku haayo dadka degan Magaaladaasi.

Ugu dambeyntii Wasiirka ayaa ugu baaqay Bulshada reer Puntland in ay ku dadaalaan sidii looga hortagi lahaa Cudurkaasi.

Cudurka Shuban biyoodka oo la aaminsan yahay in ay sababtay Abaarta ku dhufatay Soomaaliya ayaa waxaa u ka dilaacay meelo badan oo ka mid ah dhulka ay Soomaalidu degto.

HOOS KA DHAGAYSO 

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment