2595 Views

Waddooyinka Muqdisho oo saaka loo xiray banaan bax lagu taageerayo Madaxweynaha

Waddooyinka Muqdisho oo saaka loo xiray banaan bax lagu taageerayo Madaxweynaha
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 04, 2017 — Sida an la soconno, waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa u xiran banaan bax lagu taageerayo boqolka maalmood ee Madaxweyne Farmaajo, iyadoo boqolaal ruux ay ku qul qulayaan Garoonka ciyaaraha ee Banaadir Stadium, qaar kalena ay shaqooyinkoodi ay habsan ka yihiin. Gooba ganacsi oo fara badan ayaa xiran, banaan baxa dartis. 

Dowladda kama fikirin staagidda ganacsiga, goobaha wax-barashada oo xirmaayo iyo dadka caafimaadka u baahan ee an haysan meel ay u maraan Isbitaallada.

Ciidamada ammaanka ayaa waddooyinka ku sugan, kuwaasoo meelaha qaar isticmaalka dadka iyo gaadiidka ka xadiday, waxaana si aad ah loo adkeeyay ammaanka Garoonka Banaadir Stadium oo xalay ciidamo la geeyay.

Diyaar garowga iyo abaabulka Banaan baxan ayaa maalmihii la soo dhaafay laga dareemayay magaalada Muqdisho, kaasoo uu waday Maamulka Gobolka Banaadir.

Dadweyne fara badan oo ay ku jiraan haween ayaa saaka basas looga soo qaadayaa xarumaha degmooyinka, iyadoo banaan baxa lagu wado in la soo gaba gabeeyo gelinka hore, maadaama ay xilli Ramadaan tahay.

Warbaahinta ayaa la sheegay in laga xadiday ka qeyb galka banaan baxan, iyadoo loo ogolaaday warbaahin kooban ah, oo goobo cayiman laga soo qaadi doono, socodka lugta ee garoonka Banaadir Stadium ayaa la diiday, waxaa dadweynaha ka qeyb galaya banaan baxa degmooyinka looga soo qaadayaa gaadiid.

Madaxweyne Maxamed A. Farmaajo iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda ayaa ka qeyb galaya banaan baxa, iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu khudbadiisa u horeeyay oo fagaare shacabka ugu jeedin doono, taasoo dad badan ay u dhega taagayaan.

Si kastaba ha ahaatee banaan baxan maanta oo Axad ka dhacaya Muqdisho ayaa noqonaya kii u horeeyay ee ugu ballaarnaa ee ka dhaca Muqdisho, tan iyo wixii ka dambeeyay doorashadii Madaxweyne Farmaajo oo dadweyne fara badan ay ka dhigeen Muqdisho iyo gobolada kale isu soo bax soo dhoweyn ah.

Dad badan oo wax garad ah ayaa diidan Fikrad kasta  oo Bannaan Bax ah, marba hadii ay curyaaminayso isu socodka dadka iyo gaadiika intaba. Dadka an kor ku soo xusnay ayaa qaba sua’al ah: La taliyeyaasha Madaxweyne Farmaajo, ma garan waayeen waxa Bulshada Soomaaliyeed dhibaaya?

WQ:- Ali Omar Ghedi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment