2511 Views

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo la kulmay Madax ka socotay UNDP

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo la kulmay Madax ka socotay UNDP
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 05, 2017—– Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guleed ayaa kulan la yeeshay Madax ka tirsan Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP), waxana ay ka wada hadleen sidii dawladda gacan looga siin lahaa la dagaalanka Muqus-maasuqa iyo sidii Ciidanka Booliska looga caawin lahaa tababarada iyo qalabka ay u baahan yihiin.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in Dawladda Federaalka Soomaaliya, muhimadda kowaad ay siineyso baahinta adeegyada aasaasiga ee bulshada, isla markaana ay la dagaalamayso musuqa, loona baahan yahay in laga taageero dawladda wax walba oo ay ku xakameyn karto.

“Waxyaabaha muhiimadda inoo leh waxaa ka mid ah inaan la dagaalano musuq-maasuqa oo mudnaan sare u leh dawlada, Dagaalka aan kula jirno waa mid u baahan guud ahaan hay’adaha gacanta na siiya in kaalin mug leh ay ka qaataan.”ayuu yiri R.Wasaare ku xigeenka.

Sidoo kale, waxa arrimaha shirka looga hadlay kamid ahaa in gacan laga siiyo tababarka iyo qalabaka ay u baahan yihiin ciidanka Booliska Soomaaliyeed, si door kooda ay uga qaataan dhismaha bulsho hufan oo sharcigu hago.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay, Wasiirka Caddaaladda, Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka, Saraakiil ka socotay Ciidanka Booliska iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

4

3

2

1

.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment