5895 Views

DHAGAYSO:- Faah Fahino dheeraad ah oo laga helayo qarax ka dhacay Kismaayo

DHAGAYSO:- Faah Fahino dheeraad ah oo laga helayo qarax ka dhacay Kismaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 05, 2017—–Ciidamada Booliska maamulka Jubbaland ayaa faahfaahin ka bixiyay Qarax Saakay ka dhacay Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Halkan ka dhagayso

Qaraxan oo ahaa mid lagu aasay Saldhiga Booliska Magaalada Kismaayo gadaashiisa, ayaa waxaa ku dhaawacmeen Saddex ruux sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha ciidamada Booliska.

Jaamac Axmed Xasan oo ah Afhayeenka ciidamada Booliska Jubbaland, ayaa Qaranimo Online u sheegay Saddexda ruux ee dhaawacantay in la geeyay Isbitaalka Magaalada Kismaayo, halkaasi oo lagu daaweynaayo.

Afhayeenka Ciidamada Booliska maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ciidamada Ammaanka ay wadaan howlgallo iyo baaritaano kala duwan.

Waxaa ugu dambeyntii uu sheegay in aysan jirin cid ku dhimatay Qaraxaasi.

.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment