2724 Views

DHAGYSO :-Howlagalo Ka dhananah Al-Shabaab Oo Lagu Dhawaaqay

DHAGYSO :-Howlagalo Ka dhananah Al-Shabaab Oo Lagu Dhawaaqay
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 05, 2017—–Ibraahim Aadan Cali “ Najax “ oo ah Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegay in ay socdaan howlgaladii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab loogu saarayo guud ahaan gobolka Sh/Hoose.

Waxa uu sheegay in hada ay doonayaan in Al-Shabaab ay si gaar ah kaga xureeyaan inta u dhaxeysa degmooyinka Afgooye iyo Baraawe.

Waxa uu sheegay in hada degmooyinka qaar ay ka socdan howlgalo isla markaana ay rajeynayaan in Al-Shabaab dhawaan laga saaro degmooyinkaasi.

Guddoomiyaha ayaa shacabka Gobolka Sh/Hoose ka dalbaday in ay si dhaw ula shaqeeyaan Ciidamada si Al-Shabaab loogu saaro gobolka oo dhan gaar ahaan meelaha ay ku xoogan yihiin.

Al-Shabaab ayaa ku sugan tuulooyin iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Sh/Hoose, waxaana gobolkaasi ay kula dagaalamaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa weeraro toos ah ku soo qaada Xarumaha Ciidamada Dowlada iyo Amisom ay ku leeyihiin Gobolkaasi.

 

halkan ka dhagayso

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment