Muqdisho | QOL | June 05, 2017—–Dowladda Turkiga ayaa ku dhawaaqday in Markabkii sida Shixnad gargaar ah in ay usoo dirtay Soomaaliya si loo caawiyo dadka Soomaaliyeed ee ay Abaaruhu saameeyeen.
Markabkaan ayaa kasoo baxay dekadda Tasucu Port ee dalkaasi, waxaana lagu waddaa in maalmaha soo socda uu soo gaaro Magaalada Muqdisho.
Turkiga ayaa Sidoo kale dalalka Caalamka ugu baaqay in ay taageeraan dowladda Soomaaliya ,islamarkaana ay muhiim tahay in la caawiyo dadka Soomaaliyeed ee ay Abaaruhu saameeyeen.
Deeqdaan ayaa dhan13,000 tan , oo ka kooban nuucyada kala duwan ee cuntadda.
Isagoo ka hadlayay xaflad sagootin ah oo lagu qabtay Tasucu Port ee degmada Silifke ee dalkaasi Turkiga Raysal wasaare ku xigeenka Turkiga Veysi Kaynak , waxaa uu sheegay in dowladda Turkig ay ka go’an tahay in ay sii balaariso gargaarka ay siiso dowladda Soomaaliya.
“Waxaan rajeynayaa oo aan ka bilaabi doonaa Soomaaliya mashaariic horumarineed,” ayuu yiri Kaynak, isagoo intaa ku daray in Turkiga uu Muqdisho ka waddo dhismaha xarun waxbarasho oo lagu tababarayo ciidamada dowladda Soomaaliya.
Qaramada Midoobey ayaa horay u sheegtay in tiro ka badan 6 Million oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin Gargaar deg deg ah.