2460 Views

Gabar Soomaali ah oo lagu weeraray dalka Mareykanka

Gabar Soomaali ah oo lagu weeraray dalka Mareykanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 05, 2017—–Warbaahinta iyo baraha bulshada ayaa ilaa iyo shaley aad u hadal hayey weerar la sheegey in nin cadaan ah uu u geystey gabar Soomaali ah oo ay daris ahaayeen.

Weerarkan ayey bulshada Soomaalida iyo hay’adaha ka shaqeeya xuquuqda muslimiinta Mareykanka qaarkood waxa ay ku tilmaameen inuu ahaa mid sinji naceyb ah.

Bog dhaqaale loogu aruurinayo gabadhan ayaa durba la sameeyey, waxaana saacado gudahood ku soo gaarey lacag ka badan 60,000 oo doolar.

Tan iyo markii la doortay Madaxweynaha Mareykaanka Donald Trump ayaa waxaa Mareykanka ku soo badanayay Islaam Naceybka isagoona xiligii uu ku jiray Ololaha doorashada uu sheegay in uu sameyn doono ficilo ka soo horjeeda dadka heesta Diinta Islaamka.

.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment