6759 Views

Ismaaciil Hurre Buubaa, oo horey xilal uga soo qabtay Somalia oo loo diiday in uu ka dhoofo Garoonka Hargeysa

Ismaaciil Hurre Buubaa, oo horey xilal uga soo qabtay Somalia oo loo diiday in uu ka dhoofo Garoonka Hargeysa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 05, 2017 — Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland, ayaa sheegaya, in Ismaaciil Hurre Buubaa oo ah siyaasi aad looga yaqaan Soomaaliya, shalay laga hor istaagay in uu ka dhoofo garoonka Diyaaradaha magaalada Hargeysa xili uu kusii jeeday magaalada Nairobi.

Ciidamadan ka tirsan Laanta Socdaalka Garoonka ee magaalada Hargeysa, ayaa u diiday in Buubaa uu ka dhoofo Garoonka , waxa ayna ka reebeen diyaaradii uu doonayay in uu ku tago Kenya.

Mudane Ismaaciil Buubaa oo horay xilal kala duwan uga soo qabtay dowladihii Soomaaliya soo maray hadana katirsan Xisbiga Mucaaradka ee Wadani ayaa sheegay in wali uu garan la’yahay sababta loogu diiday in uu ka dhoofo Hargeysa oo marki horaba joogay.

Waxa uu qiray in jidgooyo loo dhigtay safarkiisa arintaasna ay tahay mid aan la aqbali karin, waxa uu tilmaamay in uu kusii jeeday magaalada Nairobi uu dano u gaar ah uu ka lahay, balse loo diiday in uu dhoofo iyada oon loo sheegin sababta keentay arrintaas.

Siyaasiga Buubaa, oo ah Wasiirkii hore Arimaha Dibada Soomaaliya ayaa watay basaaboorka Soomaaliya xiliga uu doonayay in uu ka dhoofo Garoonka magalaada Hargeysa, waxaana loo maleenayaa sababtaasi in loogu diiday safarka, taas oo cid kasta yaab ku noqotay.

Waxa kale uu sheegay Mr Buubaa, in Siyaasiyiinta iyo Masuuliyiinta Somaliland ay dhamanatood wataan Baasaboorka Soomaaliya dalkana uga dhoofaan, waxa uuna meesha ka saaray in sababtaasi ay tahay mida loogu diiday safarkiisa.

Maamulka Somaliland iyo Madaxda Laanta Socdaalka ayaa dhankooda ka hadlin sababta Siyaasigan katirsan Xisbiga Mucaaradka Wadani loogu diiday in shalay uu ka dhoofo garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa.

WQ:- Ali Omar Ghedi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment