2469 Views

Madxweyne Farmaajo oo ku wajahan Kismaayo

Madxweyne Farmaajo oo ku wajahan Kismaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 05, 2017—–Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) uu safar ku tagaayo Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose.

Ilo Wareedyo ayaa sheegaya in suuragal ay tahay Madaxweynaha todobaadkaan gudihiisa inuu safar ku tago Magaalada Kismaayo, halkaasina uu kula soo kulmo Madaxda Maamulka Jubbaland.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa noo xaqiijiyay maalinta beri ah in Madaxweynaha laga sugaayo inuu tago Magaalada Kismaayo, waxaana la diyaariyay ciidamada Jubbaland si ay u sugaan ammaanka Magaalada Kismaayo.

Ujeedka Madaxweynaha uu u tagaayo Magaalada Kismaayo, ayaa lagu soo waramayaa inay tahay dhiiragelinta ciidamada Jubbaland iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan Magaaladaasi, kuwaasi oo dhawaan qaadaya hawlgal ka dhan ah Ururka Al Shabaab.

Habeen hore diyaarado aanan la aqoon meesha laga leeyahay ayaa Magaalooyinka Jilib iyo Jamaame ku daadiyay warqado ay ku qornaayeen dhalinyarada Shabaab inay ka faa’iidaystaan cafiskii Madaxweynaha Soomaaliya uu u fidiyay, ayna dib ula soo midoobaan qoysaskooda.

Dowladda Somaliya ayaa wada abaabul dagaal oo ka dhan ah Ururka Al Shabaab iyo sidii looga saari lahaa Magaalooyinka Shabaab ay gacanta ku hayaan ee Gobolada Jubbooyinka.

.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment