3108 Views

Qaar kamidah dadka ay saameysay abaarta ee kunool Jowhar oo maanta gargaar lagaarsiiyey

Qaar kamidah dadka ay saameysay abaarta ee kunool Jowhar oo maanta gargaar lagaarsiiyey
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 05, 2017—Inkabadan boqol qoys oo danyar ah oo laga soo kala xulay xaafadaha iyo xeryaha barakacayaasha ayaa loo qeybiyay deeqdan oo ka koobnayd Bariis,Sokor,Saliid,timir,bur iyo bacaha roobka.

Qeybinta deeqdaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha gobolka Shabelaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan, guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada Muxumed Sugaal,duqa magaalada Jowhar & Saraakiil kale ka tirsan Ciidamada Xoogga.

Xildhibaan Xasan Maxamed Xaaji oo ka hadlay munaasabada deeqda ayaa sheegay in deeqdan ay tahay mid ay iska soo ururiyeen qaar kamid ah Walaalo Muxsiniin ah oo ku nool dalka Holland uuna hormuud u ahaa Qaasin Axmed Cabdiraxmaan (Jiille)  uguna talogaleen dadka ugu saboolsan ee ku nool magaalada Jowhar.

“Dadkaan waxaa wax u qaban karaa dadkooda hay’ado iyo gacan shisheeye ma dharjin karaan ummadda,haddaba waxaan ugu baaqayaa dhamaan mas’uuliyiinta dalka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Hirshabeele, wasiirada, xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle in ummadooda wax u qabtaan ayna ku daydaan hogaamiyaashii Islaamka sida Cumar Bin Khidaab ayna tahay iyaga kuwa wax laga weydiin doono maalinta Aakhiro.”ayuu yiri Xildhibaan Xasan Qoobey oo ka tirsan xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle.

Sidoo kale munaasabada qeybinta gargaarka ayaa waxaa ka hadlay guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan waxana uu u  mahadceliyay muxsiniintii soo dhiibtay deeqdan iyo weliba Xildhibaan Xasan Qoobey waxana uu sheegay in ay yihiin dad mudan in lagu daydo sida ay ugu soo gurmadeen shacabkooda.

Deeqdan Ayaa Imanaysa Iyadoo Lagu Guda Jiro Bisha Barakaysan Ee Ramadaan Oo Ay Qayba Kamidah Soomaaliya Kajiraan Abaaro Sameen Kuyeeshay Dadlka Iyo Dumada Kunool Qayba Kamidaha Gayiga Soomaliya

p1

p2 p3

p4

p5

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment