3333 Views

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kormeerey Wasaarada Arrimaha Dibeda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kormeerey Wasaarada Arrimaha Dibeda Soomaaliya.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 05, 2017 – Ra’iisul Wasaaraha XFD Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer ku tagey Wasaaradda Arrimaha Dibeda iyo Xariirka Caalamka waxuuna kulan layeeshey shaqaalaha iyo madaxda Wasaarada,isagoona kala hadley arimaha shaqada iyo sida ay howshu usocto. Sidoo kalena waxuuu warbxino ka dhageystey qaar kamid ah Agaasimayaasha Wasaarada oo uga warbixiyey isbedelka shaqada.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa kormeerey xafiisyada ay ku howlgalaan shaqaalaha waxuuna aad u bogaadiyey sida qurxda badan ee xafiisyada Wasaarada loo nidaamiyey,waxuuna ku amaaney arintaas shaqaalaha iyo maamulka Wasaarada Arrimaha Debidda ee Soomaaliya.

“Waxaan aad ugu farxsanahey sida quruxda badan ee shaqada usocoto iyo isbedelka ka muuqda Wasaarada, waxaana aad ugu bogaa dinayaa madaxda wasaarada in loo baahan yahey iney si balaariyaan shaqada ay u hayaan qaranka”ayuu yiri R/W Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la qaatey Agaasimayaasha shaqada iyo Wasiirka Arrimaha Debida Yuusuf Garaad Cumer waxuuna weydiiyey arimaha loo bahanyahey in wax laga badelo iyo qorshaha waxqabed ee u degsan Wasaarada inta ka dhiman Sanadka.

Waxey booqashadan qeyb ka tahey koormeerka uu Ra’iisul Wasaare Kheyre ku booqdo xafiisyada Hay’addaha dolwada Soomaaliya..

rw-khayre-wad-5 rw-khayre-wad-6 rw-khayre-wad-1 rw-khayre-wad-2 rw-khayre-wad-4 rw-khayre-wad-3

 

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment