2550 Views

SABABTA :- Xildhibaano ka tirsan kuwa Galmudug oo safar aan la shaacin ku tagay Dhuusa-Mareeb

SABABTA :- Xildhibaano ka tirsan kuwa Galmudug oo safar aan la shaacin ku tagay Dhuusa-Mareeb
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 05, 2017 — Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamul Goboleedka Galmudug ayaa gaaray Magaalada dhuusa-Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud oo ay maamulaan Maamulka gobolada Dhexe ee Ahlusuna Wal-Jamaaca ee ka soo horjeeda Siyaasada Maamulka Galmudug.

Xogta ay heleyso Idaacadda Dalsan Muqdisho ayaa sheegeysa in Ujeedada ka dambeysa arintaani ay tahay in au Gogol xaar u noqdaan sidii wadahadal loogu furi lahaa Madaxda Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna kaas oo dhawaan fashilmay.

Xildhibaanada tagay Magaalada dhuusa-Mareeb ayaa la sheegayaa in ay gaarayaan ilaa 7 Xubnood kuwaas oo weli ku sugan Magaalada Dhuusa-Mareeb iyadoo aysan jirin wax kulamo ah oo ay la qaateen Madaxda maamulka gobolada Dhexe oo Dhuusa-Mareeb maamula.

Sababta ay ku tageen Dhuusa-mareeb Xildhibaanada ayaa ah mid adag balse waxay illo Xog ogaal ah sheegayaan in ay wax ka ogyihiin Madaxda ugu sareysa Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Wal-Jamaaca.

,

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment