3303 Views

Madaxweynaha Puntland oo xariga ka jaray dhismaha cusub ee wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo xariga ka jaray dhismaha cusub ee wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland.
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 06, 2017 — Madaxweynaha Dawlad gobolleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gelinkii hore xariga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland, kaas oo laga hirgeliyey dhismaheeda Caasimada Garoowe.

Xariga jarka dhismaha Wasaaradda ayaa waxaa madaxweynaha kuwehelinayey wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Xanaanada  Xoolaha,Wasiir kuxigeenka Wasaaradaasi, shaqaalaha waaxyaha Wasaaradda iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu horayn sheegay inuu ku faraxsan yahay muhiimad gaarana u leedahay furitaanka dhismaha cusub ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, maadaama ay tahay wasaarad ku hawlan ilaalinta iyo xanaanaynta laf-dhabarta dhaqaale ee dalka.

”Sharaf weyn bay ii tahay maanta inaan imaado Wasaaradda Xanaanadda xoolaha daahfuro  xarigana ka jaro dhismaha cusub ee Wasaaradda, waan ku bogaadinaynaa dedaalka weyn ee ay geliyeen in Wasaaraddu hesho goob shaqo oo ku-filan  oo lagu fuliyo shaqadda gaamurtey ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, laf-dhabar bay u yihiin xooluhu  dhaqaalaha Puntland iyo kan Soomaaliyeedba”. ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale waxa uu  sheegay Madaxweynuhu in wasaaradani lagu dhisay oo lagu hirgeliyey dhaqaalihii dalka kaasi oo kuyimid isku tashiga  iyo shacabka Puntland.

”Wasaaradda waxaa lagu dhisay dhaqaalihii dalka, isku tashiga Puntland, waxayna ka mid tahay mabaadii’da aanu aaminsanahay oo ah in dhismaha Dawladda nimo Puntland si dhaba uga hirgalaan, dabcan dhismaha Dawladd-nimo waxaa ugu horeeya in wasaaradihii dhisan yihiin degaan ay ku shaqayn karaana ay leeyihiin, shaqaale ku filan oo khibrad leh ay leeyihiin, in adeegii iyo shaqooyinkii waajibka ahaa  ee ay dalka u qabanayeena ay si wanaagsan u fushanayaan,  Wasaaraddo kale ayaan dhowaan furidoonaa iyo sidoo kale mashaarico kale oo “ayuu yiri madaxweynaha Dawladda Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland Cabdijamaal Cismaan Maxamed ayaa sheegay in dhismaha wasaaraddani ay ku baxayday lacag dhan $3,72,000 oo dollar, taasi oo kutimad  halku dhigii Madaxweynaha Puntland oo hirgalay kaasi oo ahaa ”Puntland ha isku tashato”, wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dhismahani waxbadan ka taridoono dardargelinta shaqooyinka baaxadale ee Wasaaradu u qabato shacab keeda kaasi oo ku salaysan ilaalinta caafimaadka, xanaanada iyo ka warqabka markasta xoolaha Puntland.

Ugu danabyn, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa soo kormeray xaafisyada Wasaaradda, halkaasi oo uu mid mid u xogwaraystay dhammaan hawl-wadeenada xafiisyada wasaaradaasi, isagoona ugu danbayn kulan gaara la qaatay madaxda sare ee wasaaradaasi.

1

2

3

4

5

6

7

8

9

.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment