2553 Views

DEG-DEG:-Faah Faahino Dheeraad AH Oo Laga Helayo Qarx Goordhow Ka Dhacay Dulledka Balacad

DEG-DEG:-Faah Faahino Dheeraad AH Oo Laga Helayo Qarx Goordhow Ka Dhacay Dulledka Balacad
____________________________________________________________________________

uqdisho  | QOL | June 06, 2017 —Qarax khasaare geystay ayaa waxa uu ka dhacay Degaan 7 KM u jira Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, sida uu soo sheegayo Qaranimo.com oo u sheeegay goobjooge ku sugan balcad Qaraxan ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay kolonyo galbineysay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, oo ay ka mid yihiin xubno ka socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo saraakiil ciidan, kuwaasi oo ka soo baxay Degmada Balcad, kuna sii jeeday magaalada Jowhar.

Qaraxa oo nuuciisa uu ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa uu haleelay mid ka mid ah Gawaariga dagaalka oo ay Ciidamada wateen, sida uu QARANIMO  u sheegay sarkaal ka tirsan wafdigan.

Dadka Degaanka ayaa sheegay in uu gubtay Gaarigii Qaraxa uu haleelay, halkaasina uu Dagaal kooban ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Dagalyahano ka tirsan Shabaab.

Inta la xaqiijiyay Qaraxan waxa ku dhintay 1 Askari, sidoo kale waxaa jira dhaawacyo soo gaaray Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka, inkastoo ilaa hada aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay Qaraxan.

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment