2664 Views

Dhagayso:-Maamulka Soomaaliland Oo Ka Jawaabtay Sababta Ay U Xayireen Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa

Dhagayso:-Maamulka Soomaaliland Oo Ka Jawaabtay Sababta Ay U Xayireen Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 06, 2017 —Maamulka Soomaliland ayaa ka jawaabay sababtii ay Ciidamada Laanta Socdaalka Maamulka Soomaaliland Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa ugu  diideen in uu ka dhoofo Soomaliland,isagoo  watay Baasaboorka Diblomaatiga ee Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Wasaarada arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Muuse diiriya ayaa sheegay in Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa uu kamid yahay Muwaadiniinta Reer Soomaaliland balse lagu arkay Baasaboor Soomaali ah kaas oo u doonayay in uu kaga dhoofo Magaalada Hargeysa taasna aysan aqbaleyn.

Waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in Soomaaliland uu yahay dal Soomaaliya inteeda kale ka go’ay islamarkaana aanan lagu arki Karin cid wadata Baasaboorka Soomaaliya.

Sikastaba Ismaaciil hurre Buubaa oo horay u soo noqday Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa xiliga la xayiraayay waxa uu watay Baasaboorka Diblomaatiga ee Soomaaliya  isagoo ku sii jeeday dalka Kenya Balse  Ciidamada Soomaaliland ay diideen in uu ka dhoofo Garoonka Magaalada Hargeysa..

Halkan Ka Ka Dhagayso 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment