2742 Views

Dhagayso:- Dagalamayaal katirsan kooxda Daacish oo isku soodhiibay Putland

Dhagayso:- Dagalamayaal katirsan kooxda Daacish oo isku soodhiibay Putland
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 06, 2017 — Maamulka Puntland ayaa waxa uu sheegay in uu isa soo dhiibay mid ka mid ah maleeshiyaadka taageera kooxda Daacish ee ku sugan Buuraleyda Galgala.

Ninka isku dhiibay Puntland ayaa waxaa lagu magacaabaa C/laahi Maxamed Saciid, wuxuuna ka soo jeedaa Gobolka Baay, sida ay sheegeen saraakiisha Puntland.

Halkan ka dhagyso

Taliyaha ururka 1-aad ee Guutada Horseed Axmed Maxamuud Yuusf oo la hadlay VOA ayaa sheegay in ninkan uu isaga qirtay inuu ka tirsan yahay kooxda Daacish.

Wuxuu sidoo kale sheegay Taliyaha ninkan ilaa hada in aysan ka heyn wareysi faah faahsan, balse ay dib ka soo sheegi doonaan, wuxuuna Ragga kale ee ka tirsan Daacish ugu baaqay in ay isa soo dhiibaan.

Ciidamada maamulka Puntland ayaa marar badan koox ka tirsan Daacish waxa ay kula dagaalameen Degaano ka tirsan Degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Qandala daba yaaqadii sanadkii 2016-kii ayaa waxaa la wareegay kooxda Daacish, kuwaasi oo in mudo ah halkaasi ku sugnaa, inkastoo markii dambe laga saaray.

.

.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment