6483 Views

Dowladda Federaalka oo la wareegeysa Dekada iyo Airporka Kismaayo

Dowladda Federaalka oo la wareegeysa Dekada iyo Airporka Kismaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 06, 2017 — DFS ayaa qorsheyneysa inay la wareegto Dekeda iyo Airporka Kismaayo, taasoo ka mid aheyd heshiiskii dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland ku gaareen magaalada Addis Ababa sanadkii 2013, oo laga joog afar sano ka hor.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay dadaal ugu jirto sidii loo fulin lahaa heshiisyadii horay loo gaaray inta an asaga la dooran.

Socdaalka Madaxweynaha ku tagayo Kismaayo, ayaa qeyb ka ah arrinta ku saabsan Dekeda iyo Garoonka Diyaaradaha oo ay dowladda Federaalka dooneyso inay maamusho, kana taliso.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dowladda Federaalka ay kordhisay dhaqaalihii ay siin jirtay dowlad goboleedyada, taasoo markii hore aheyd lacag gaarayso $150,000, isla markaana la gaarsiiyay lacag dhan $300,000 bil walba, iyadoo tallaabadan lagu doonayo in lagu kasbado maamul goboleedyada hoosyimaada DF.

Warar soo baxay ayaa noo xaqiijiyay in Madaxweyne Farmaajo uu doonayo in si ka duwan sidii dowladdii hore ay ula macaamili jirtay dowlad goboleedyada uu ula macaamilo, iyadoo la sheegay in markii u horeysay Madaxda dowlad goboleedyada ay dowladda Federaalka u qortay bil walba gunno lacageed oo aan la cayimin, cidna aysan ka warqabin.

Heshiiskii Addis Ababa lagu gaaray sanadkii 2013 ayaa dhigayay in Maamulka Jubbaland uu dowladda Federaalka ku wareejiyo lix bil kaddib maamulka Dekeda iyo Garoonka, oo ay dowladdu u soo magacaabeyso maamul cusub, hase ahaatee qodobkan ayaa u dhaqan gelin sida la doonayay.

Maamulka Jubbaland ayaa diidanaa in dowladda Federaalka ay ku wareejiyaan Dekeda iyo Garoonka, isla markaana ay la mid tahay dekedaha Berbera iyo Boosaaso oo kale.

Haddii Maamulka Jubbaland aqbalo in Dekeda iyo Garoonka Diyaaradaha Kismaayo ku wareejiso dowladda Federaalka, waxay noqoneysa tallaabadii u horeysay ee dowladda Dhexe kula wareegto Deked iyo Garoon ka baxsan magaalada Muqdisho, taas oo ah mid dan u ah qaranimada Soomaaliya.

WQ:- Ali Omar Ghedi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment