4230 Views

FAALLO: DF Soomaliya maka go’an tahay xakameynta hubka iyo xasillinta Xamar?!

FAALLO: DF Soomaliya maka go’an tahay xakameynta hubka iyo xasillinta Xamar?!
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 6, 2017 – Dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay waxaa muuqday calaamado ifaya oo suurtagaliyay in ay dib u soo noqoto sharaftii iyo karaamadii ay lahaayeen dadka iyo dalka Somaaiya,inkastoo ay soo bexeen kooxo cusub oo iyaguna faraha la galay dagaallo ka duwan  kuwii hore.

Waxaa nasiib darro ah in ay weli jiraan kooxo u ooman dhiigga dadka maatida ah  oo doonay in dalka dib loogu soo celiyo qaab qabiil oo salka ku haya sohdimo iyo xadad  been ah oo lama dhaafaan ah,taasoo horay loo arkay cawaaqibkii laga dhaxlay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay gudaha dalka Soomaaliya ee sababay burbur,barakakac,waxyeello  iyo nidaam qabiil.

Qaabka ay u socdaan  xasilinta caasimada iyo barnaamijka xakameynta hubka,waxa uu dhaliyay guux dadweyne oo ay ka dambeeyaan  kooxo sheegtay siyaasiyiin iyo kuwo huwan magaca  qabqable dagaal , kuwaas oo dowladda  uu hogaamiyo Farmaajo ku eedeeyay  in dadka ku dhaqan Muqdisho oo kaliya la doonayo in laga qaado ama laga uruuriyo hubka.

Haddii  hogaamiye kooxeedyadu ay yihiin kuwo jira oo u danqanaya umadda  ma dhacdeen in dadka iyo dalka ay ku burbuaan  dagaallo sokeeye,isla markaana  ay soo ifbaxaan  barakacayaal  gudaha dalka ah iyo qaxooti u cararay dalal shisheeye

Dowladda Soomaaliya ee  ku timid biseyl siyaasadeed ee umadda ,isla markaana ay soo doorteen xildhibaanada baarlamanka oo matalaya bulsho weynta ,waxaa mudata in afarta sano ah ee soo socota  loo idmaday in awoodooda ay ku baahiyaan  deegaanada dalka,gaar ahaan dhinacyada waxqabadka dowladda,soo celinta nidaamka iyo kala dambetynta iyo adeegyada kale ee lama huraanka  ah

Howlgallo ballaaran oo lagu xoojinaayo amniga ayaa maalmahaan ka socda magaaladas Muqdisho  oo loo arkay in haddii lagu guuleysto ay fududaan karaan xasiloonida deegaanada kale ee gudaha dalka,waxaana muddo koooban  qabsoomay ururinta nuucyo kamid ah hubka oo laga furtay kooxo hubeysan.

Madaxda iyo ciidamada dowladda oo iskaashanaaaya, ayaa  ballan ku qaday in tallaabo sharci ah  laga qaadi doono cid kasta oo isku dayda in ay hor-istaag ku sameeyaan xakameynta hubka iyo xasillinta caasimadda, waxaana umadda Soomaaliyeed loogu baaqay in ay ilaashato xukuumadda cusub ee wacadka ku martay in ay dadka ugu shaqeynayaan si  siman,isalaa markaana ay u dhowreyso ammaanadii ay u dhiibteen bulshada.

Dowladdu waxaa  ka go’an barnaamijka  xakameynta hubka iyo xasilinta Xamar,sidaa daraadeed waa in aysan u turin kooxaha ku goodinaya in xilligaan aan la qaadi Karin hubka iyo kuwa kale ee caadeystay in ay  wax ku qoraan  baraha bulshada,kuwaas oo  qeyb ka ah  mushkiladda heysata Soomaaliya,siina kala  fogeynaya wadajirka umadda oo la baadigoobaayey in muddo ah

Sidee ayeey ku suurtagaleysaa in iyadoo dadka ku dhaqan caasimadda aysan tusaale u noqon ama ka qeybgalin soo celinta ammaanka iyo barnaamijka xakameunta hubka  in la gaaro isku kalsoonaan iyo  horumar ay ku tallaabsadaan maamulka dowladnimo ee hadda jira.

Ogoow caasimadda Muqdisho waa halkii laga tuuray madaxdii mileteriga ama lagu riday xukuumadii ay hogaanka u hayeen ciidasmada ,waana in ay noqotaa halkii lagu soo afjari lahaa dowlad la’aanta, heysashada hubka sharci la’aanta ah  iyo dagaaladii beelaha ee horay u dhexmaray dadka Soomaaliyeed.

Cidda u baahan in la dhowro ama la ilaaliyo danaheeda  waa shacabka ama waa aniga iyo adiga,sidaa daraadeed dowladdu waa in lagala shaqeeyo xasiloonida dalka si mar kale ay u suurtagasho Soomaaliya oo ku taagan cagaheeda,isla markaana qeyb ka ah dalalka dunida ee hiigsanaya yoolka horumarka.

Waxaa la joogaa xilligii is-aaminaada iyo wax isu quuridda  dadka mana ahan in qof kasta uu ku awr kacsado hubka ayaa la doonayaa in laga qaado beesheyda ,iyadoo beelaha kale weli ay heystaan hubkooda.

.

.

Xigasho: Horumar Online

W/Q: Shire Xasan Kulmiye.

_____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment