2442 Views

Kooxda Daacish oo sheegatay Weerar uu Fuliyay Muwaadin Soomaaliyeed

Kooxda Daacish oo sheegatay Weerar uu Fuliyay Muwaadin Soomaaliyeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 06, 2017 —Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Muwaadin Soomaaliyeed oo Ciidamada Booliska dalka Australia ay toogasho ku dileen gudaha magaalada Melbrourne ka dib markii uu geystay Fal Afduub ah.

Booliska dalka Australia ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi uu ahaa mid argagixiso, waxa ayna sheegeen Yacquub Kheyre uu dhismo ku yaala magaaladaasi ku qafaashay qof dumar ah ka hor inta ay boolisku toogasho ku dilin.

Yacquub Kheyre ayaa la sheegay in sanadkii 2009 loo xiray eedeymo ah in uu qorsheynayay weerar ka dhan ah xero milatari oo ku taala magaalada Sydney balse markii dambe dambi lagu waayay.

Kheyre ayay boolisku toogasho ku dileen kaddib muddo kooban oo ay is rasaaseyn dhex martay isaga iyo booliska.

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment