2406 Views

Madaxweyne Faramaajo oo gaaray Kismaayo

Madaxweyne Faramaajo oo gaaray Kismaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 06, 2017 — Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi balaaran oo uu hoggaaminaayo ayaa goor dhow gaaray Magaalada Kismaayo, waxaa soo dhaweeyay Mas’uuliyiinta Jubbaland.

Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha maamulka Jubbaland iyo cutubyo ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ujeedka Madaxweynaha uu u tagay Magaalada Kismaayo, ayaa lagu soo waramayaa inay tahay dhiiragelinta ciidamada Jubbaland iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan Magaaladaasi, kuwaasi oo dhawaan qaadaya hawlgal ka dhan ah Ururka Al Shabaab.

Dhawaan diyaarado aanan la aqoon meesha laga leeyahay ayaa Magaalooyinka Jilib iyo Jamaame ku daadiyay warqado ay ku qornaayeen dhalinyarada Shabaab inay ka faa’iidaystaan cafiskii Madaxweynaha Soomaaliya uu u fidiyay, ayna dib ula soo midoobaan qoysaskooda.

Dowladda Somaliya ayaa wada abaabul dagaal oo ka dhan ah Ururka Al Shabaab iyo sidii looga saari lahaa Magaalooyinka Shabaab ay gacanta ku hayaan ee Gobolada Jubbooyinka.

 
 
 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment