2559 Views

Madxweyne Farmaajo Oo Saakay Kuwajahan Kismaayo

Madxweyne Farmaajo Oo Saakay Kuwajahan Kismaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 06, 2017 —Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa lagu waddaa in uu saacaddaha soo socda uu gaaro Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa noo xaqiijiyay in Maanta Madaxweynaha laga sugaayo inuu tago Magaalada Kismaayo, waxaana la diyaariyay ciidamada Jubbaland si ay u sugaan ammaanka Magaalada Kismaayo.

Ujeedka Madaxweynaha uu u tagaayo Magaalada Kismaayo, ayaa lagu soo waramayaa inay tahay dhiiragelinta ciidamada Jubbaland iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan Magaaladaasi, kuwaasi oo dhawaan qaadaya hawlgal ka dhan ah Ururka Al Shabaab.

Dhawaan diyaarado aanan la aqoon meesha laga leeyahay ayaa Magaalooyinka Jilib iyo Jamaame ku daadiyay warqado ay ku qornaayeen dhalinyarada Shabaab inay ka faa’iidaystaan cafiskii Madaxweynaha Soomaaliya uu u fidiyay, ayna dib ula soo midoobaan qoysaskooda.

Dowladda Somaliya ayaa wada abaabul dagaal oo ka dhan ah Ururka Al Shabaab iyo sidii looga saari lahaa Magaalooyinka Shabaab ay gacanta ku hayaan ee Gobolada Jubbooyinka.

 

 

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment