2832 Views

Qarax Lala Eegatay Ciidamo Katirsan kuwa Kenya

Qarax Lala Eegatay Ciidamo Katirsan kuwa  Kenya
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 06, 2017 — Wararka inaga soo gaaraya  degaanka Tarako hoos yimaada Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Qarax Khasaare geystay lagula eegtay Kolonyo ka tirsan Ciidanka Kenya.

Qaraxan oo lala eegtay gaari ka mid ahaa Kolonyo Ciidamada Kenya oo u socday Degmada Baardheere islamarkaana ka yimid dalka Kenya, Qaraxa nuuciisa waxa uu ahaa Miinada dhulka lagu Aaso.

Gaariga lala eegtay Qaraxa ee ay saarnaayeen Ciidanka Kenya ayaa waxaa ka dhashay khasaare, sida uu Qaranimo ee u sheegeen dadka degaanka.

War Al-Shabaab ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarkan, waxaana ay sheegeen Qaraxaasi in ay ku dileen 2 Askari oo ka tirsan Ciidanka Kenya.

Sarkaal Sare oo ka tirsan Ciidamada dowladda Kenya ayaa Warbaahinta u sheegay in Qaraxaasi ciidamada aysan kasoo gaarin dhimasho ,laakiin ay jiraan dhaawacyo.

 

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment