5364 Views

Wadooyinka Magalada Kismaayo Oo Xiran Saakay

Wadooyinka Magalada Kismaayo Oo Xiran Saakay
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 06, 2017 —Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose, ayaa maanta wax dhaq dhaqaaq ah ka jirin inta badan, kadib markii Magaalada lagu soo daadiyay ciidamo aad u badan oo ka tirsan Dowladda Federalka Somaliya.

Wadooyinka ugu muhiimsan Magaalada Kismaayo ayaa Saakay xiran.

Ciidanka ayaa sugaya ammaanka Magaalada, maadaama Magaalada uu ku sii jeedo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C.laahi Maxamed (Farmaajo).

Gaadiidka gaashaman ee ciidamada Kenya ayaa lagu jaray wadooyinka waaweyn ee Magaalada Kismaayo, halka ciidamada Jubbaland lageeyay xaafaddaha Magaalada.

Qaba qaabada soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha ayaa ka socota Magaalada Kismaayo oo shalay ay sii tageen xubno ka tirsan Villa Somaliya.

Waa safarkii Afaraad ee Madaxweyne Farmaajo uu ku tagaayo Magaalo ka mid ah dalka gudihiisa, horay wuxuu u tagay Baydhabo, Afgooye iyo Cadaado.

 

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment