2427 Views

DHAGAYSO:-Wasaarada Amnig Oo Go’aano Kasoosartay ducomentiyada been abuurka ah

DHAGAYSO:-Wasaarada Amnig Oo Go’aano Kasoosartay ducomentiyada been abuurka ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 06, 2017 —Wasaarada Amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay go’aano la xiriira ducomentiyada been abuurka ah ee waxbarashada iyo ganacsiga loo isticmaalo.

Wasaarada amniga ayaa sheegtay in talaabo adag laga qaadayo cidii lagu qabtaa iyadoo shaqo ku raadsaneyso Shahaadooyin been abuur ah oo uusan aqoonteeda lahayn.

Wasaarada amniga ayaa sidoo kale sheegtay in qof walbo oo ka ganacsanayo ducomentiyada been abuurka ah talaabo adag ooo sharciga waafaqsan laga qaadayo isla markaana Maxkamad la soo taagayo.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya C/naasir Saciid Muuse ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in ay sii jiraan dadka isticmaala iyo kuwa ka ganacsada ducomentyada been abuurka ah.

Waxa uu Taliska booliiska ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii dadkaasi gacanta loogu soo dhigi lahaa oo sharciga loo horkeeni lahaa.

Halkan Ka dhagayso 

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment