2265 Views

Xildhibaanada Maamulka K/galbeed oo meelmariyey sharciga dowladaha Hoose

Xildhibaanada  Maamulka  K/galbeed oo meelmariyey sharciga dowladaha Hoose
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 06, 2017 —Xildhibaannada baarlamaanka maamulka K/galbeed ayaa maanta oo Talaado ah waxay meelmariyeen sharciga dowlahada hoose oo ay usoo gudbisay wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulkaasi.

Kulanka baarlamaanka K/galbeed waxaa shir guddoominayey guddoomiye C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye, waxaana soo xaadirtay 74 mudane.

Sharcigan oo ah in 5 degmo oo K/galbeed ah ay shacabka soo doortaan maamulkooda ayaa waxaa aqbalay 72 mudane, waxaa ka aamusay 1 xildhibaan, halka 1 mudane uu diiday.

Guddoomiye Maye ayaa ugu dambeyn sheegay in sharcigan uu yahay mid ansax ah oo la isku raacay.

Wasaaradda arrimaha gudaha K/galbeed ayaa dooneysa in degmooyinka kala ah Ceelberde, Xudur, Berdaale, Baydhabo iyo Baraawe laga hirgeliyo maamul ay soo doortaan dadka shacabka ah.

11-kii May, baarlamaanka K/galbeed ayaa sharcigan laalay, hase ahaatee dib u habeyn kadib maanta ayeey meelmariyeen.

.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment