2535 Views

Dowladda Puntland oo raadineysa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya

Dowladda Puntland oo raadineysa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 07, 2017 – Maxkamad ku taalla Degmadda gorawe, ayaaa Amartay in Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya uu Maxkamadda hortago.

Warqad sharci ah ee uu ku sixiixanyahy Gudoomiyaha Maxkamadda Darajadda koowaad ee Degmadda gorowe Cabdi Nuur Ow jaamac Ow Xuseen, ayaa Xildhibaan Feysal Cabdullahi guuleed waxaa lagu Amray in uu Maxkamadda Hor tago ugu dambeeyn 5/7/2017, kadib markii ay Maxkamaddu sheegtay in loo heeysto Dacwad madani ah.

Sida ka muuqato Qoraalka ay maxkamadda Growe soo saartay, xildhibaan Feysal ayaa ku eedeeysan in uu kireeystay Guri ku yaalla Growe isla markaana ka tagaty isaga oo aan bixin lacagtii kirada ee lagu lahaa.

Maxkamadda oo soo xigatay dadka dacaweeyay xildhibaanka, ayaa sheegay in sidoo kale xildhibaan Feysal uu xirtay Gurigii uu kireeystay walina uusan ka Guurin uu asaga u xiranyahay.

Xillibaan Feysal Cabdullahi guuleed waxaa uu kamid yahay Xubnaha Xildhibaanadda Barlamaanka Soomaliya ka soo galay Magaaladda Growe ee Xarunta Gobolka Nugaal, sidoo kalena ah Xarunta Maamulka Puntland.

Warbaahinta  oo isku dayay dhowr jeer, in aay la xiriiro xildhibaan Feysal ayan u suurta galin in ay hesho, si wax looga weeydiiyo dacwadda loo heysto Mudanahaan.

WQ:- Ali Omar Ghedi

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment