2589 Views

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo ka hadlay Mushaarka Ciidamada Jubbaland

Madaxweynaha Maamulka  Jubbaland oo ka hadlay Mushaarka Ciidamada Jubbaland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 07, 2017 –Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “ Axmed Madoobe” ayaa ka hadlay helida Mushaarka Ciidanka Dowladda.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay meelo kala duwan lacago ku bixiyaan balse aysan ahmiyad siin Mushaarka Ciidamada.

Waxa uu tilmaamay in la heli karo oo la bixin karo mushaarka Ciidamada Dowladda isla markaana Madaxda Dowladda loogu baahan yahay in ay ka shaqeeyaan joogteynta Mushaarka Ciidamada.

Waxa uu sheegay in Ciidanka ka howlgala degaanada Jubbaland qaarkood ay tababareen kana shaqeeyeen sida uu sheegay sidii ay mushaar u heli lahaayeen balse waxa uu sheegay in weli aysan ku filneyn dhaqaalaha ay siiyaan.

Shalay ayay ahayd Markii Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu koormeer ku tagay  Jaamacadda Kismaayo oo xarun u ah Taliska 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo xarunta ciidamada Daraawiishta Maamulka Jubaland, waxa uuna halkaasi Madaxweynaha kula soo kulmay Ciidamo iyo Saraakiil.

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment