4023 Views

Madaxweyne Farmaajo oo ku shaahaya Maqaayad ku taala Kismaayo

Madaxweyne Farmaajo oo ku shaahaya Maqaayad ku taala Kismaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 07, 2017 –Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Madaxweynaha Soomaaliya  iyo xubno katirsan labada Golle ee dowlada Soomaaliya, ayaa shalay booqasho ku tagay magaalada Kismaayo, waxa ayna halkasai kula kulmeen Madaxda Maamulka Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada gobolkaas.

M/weynaha oo ay wehliyaan Madaxweynaha Jubbaland iyo Masuuliyiin kale ayaa xalay kormeer ku sameeyay qeybo kamid ah magaalada Kismaayo, waxaana Madaxweynaha uu galay in mudo ahna ku caweeyay kuna shaahay Maqaayad kutaala magaalada gudaheeda..

Madaxweyne Farmaajo, ayaa Maqaayada uu tagay kula shaahay dhalinyarada iyo odayaasha magaalada Kismaayo , waxa uuna Madaxweynaha kula dar daarmay in ay la shaqeeyaan Dowladooda si nabad iyo nolol loo helo.

Kismaayo ayaa si weyn looga dareemay booqashada Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana wali xiran qeybo badan oo kamid ah magaalada Kismaayo oo laga soo buuxiyay ciidamada  sugayo amaanka Madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale ee la socoto.

WQ:- Ali Omar Ghedi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment