2658 Views

Madaxweyne Farmaajo oo maanta xarun muhiima ah ka dhagax dhigaya Kismaayo

Madaxweyne Farmaajo oo maanta xarun muhiima ah ka dhagax dhigaya Kismaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 07, 2017 — Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxa uu dhagax dhigay Xarun heer Federaal ah oo laga dhisaayo Magaalada Kisamayo.

Xaruntaan ayaa waxaa Xafiisyo kala duwan ka dhex sameysan doona Wasiirada Dowladda Soomaaliya si ay ugu Shaqeeyaan Shacabka ku nool gobolada jubbooyinka,waxaana tani ay jawaab u tahay hadalkii Xafladii Caleemo-Saarka ee Madaxweyne Xaaf uu Axmed Madoobe,ka sheegay ee ahaa in dowlada ay Xarumo ka furato Xarumaha maamul goboleedyada.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Xaruntaan ay muhiim u noqon doonto Shacabka ku nool deegaanada Maamulka Jubbaland islamarkaana ay ka heli doonaan wixii ay uga baahdaan dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo,ayaa habeenkii labaad ku hoyan doona Magaalada Kismaayo,isagoo Maanta ilaa Caawa siiwadi doono kulamo uu la yeelanayo madaxda Jubbaland iyo Bulshada Kismaayo

.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment