3588 Views

Soomaaliya oo soo dhoweysey go’aanka Golaha Wasiirada India ee is-weydaarsashada maxaabiista

Soomaaliya oo soo dhoweysey go’aanka Golaha Wasiirada India ee is-weydaarsashada maxaabiista
____________________________________________________________________________

Mogadishu, 07 June 2017 – Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysey go’aanka golaha wasiirada India oo ay ku ansixiyeen Heshiiskii Soomaaliya iyo India ee ku saabsanaa is-weydaarsiga maxaabiista.

Golaha Wasiirada India oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha India Shri Narendra Modi ayaa ansixiyey dhaqangelinta Heshiiskii Soomaaliya iyo Inida ay kala saxiixdeen ee ku aadanaa in maxaabiista la is-weydaarsado. Dhaqangelinta Heshiiskan ayaa sahlaya maxaabiista Soomaalida ee ku xiran India loo soo masaafuriyo dalkooda Hooyo.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in go’aanka golaha wasiirada India ay soo dhoweynayaan isla markaasna maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalkaas India la keen doono dalkooda hooyo si ay ugu soo dhowaadaan qoysaskooda iyo shacabkooda. Dowladda Federaalkan ay ka shaqeyn doonto sidii maxaabiistaas loo dhaqancelin lahaa oo marka ay xabsiga dhameystaan ay u noqon lahaayeen muwaadiniin ka qeyb qaata dib u dhiska dalka.”

Eng. Yarisow oo hadalkiisa watt ayaa yiri “Dowlada Federaalka waxey u mahadcelineysaa Dowlada Inida oo ka dhabeeyey heshiiskii san wada gaarnay isla markaasna xushmeeyey si muwaadiniinteena ku xiran xabsiyada dalka India loo keeni lahaa dalkooda hooyo. Go’aankan waa mid ay qoysaska maxaabiista ku xiran dalka Inida ay aad u soo dhoweeeyo iyo sidoo kale Dowladda Federaalka oo juhdi weyn ku bixisay sidii muwaadiniintooda loo karaameyn lahaa oo loo keeni lahaa dalkooda hooyo si ay shacabkooda iyo qoysaskooda ugu dhowaadaan.

.

.

________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment