2430 Views

Wasiiro Lagu Dhaarinayo Garoowe

Wasiiro Lagu Dhaarinayo Garoowe
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 07, 2017 —Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo goobjoog ka haa saaka 07 June 2017 munaasibad lagu dhaarinayey qaar ka mida Wasiiradda cusub ee uu dhowaan magcaabay, munaasibada dhaarinta ayaa ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Garoowe.

Wasiiradda loo dhaariyey xilalka loo igmaday ayaa kala ah Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Hiddaha iyo Dhaqanka Cabdiraxmaan Barkhad Warsame, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Cabdifataax Xasan Xuseen (Waloore), Wasiir ku xigeenka Wasaarada Hawlaha Guud Cabdiweli Maxamed Yuusuf iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.

Munaasibada dhaarinta Wasiiradda ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinaayey Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Yuusuf Xaaji Nuur iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Dawladda Puntland.
Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kadib markii wasiiradda loo dhaariyey xilalkaasi cusub waxa uu kula dardaarmay inay ay shaqadooda si daacad ah u gutaan kana fogaadaan wax walba oo ku keeni kara in gaabis ku yimaado hawlaha culus ee loo igmaday.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Wasiirada cusub inay si daacad ah ugu shaqeeeyaan shacabkooda, isla markaana ay markasta ka fekeraan sidii ay u horumarin lahaayeen bulshadooda iyo shaqooyinka baaxadale ee loo igmaday, waxaana uu ku adkeeyey inay had iyo jeer noqdaan kuwo metela shacabkooda, kana shaqeeya siyaasada dawladda

 

 

 

02

03

05

05

06

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment