4707 Views

Guddoomiyaha G/Banaadir oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay Amniga

Guddoomiyaha G/Banaadir oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay Amniga
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 08 June 2017 – Taabid Cabdi Maxamed,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, ayaa shir guddoomiyay shir looga hadlayay amniga, kaasoo ay ka qeyb galeen Taliyeyaasha Amniga iyo madax kale.

Shirkan ayaa ah kii ugu horreeyay ee Golaha Amniga Gobolka Banaadir oo uu Guddoomiye u yahay mudane Tabid Cabdi, oo ka dhaco xarunta Aqalka dowladda Hoose ee magaalada Muqdisho.

Shirkaan ayaa looga hadlay dar dar gelinta amniga Caasimada, iyadoo lagu soo dhoweeyay howl galada amniga ee socda hadda.

Qorshayaal cusub ayaa lagu soo bandhigay kuwaas oo lagu adkeynayo ammaanka, kaasoo ay isla garteen Mas’uuliyiinta shirka ka qeyb gashay ee fadhiga joogay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed oo kulanka kaddib la hadlay saxaafada ayaa sheegay inuu garab istaagi doono ciidamada amniga Gobolka Banaadir, lana shaqayn doono.

Waxaa uu sheegay in waajibaadkooda uu yahay Muqdisho oo Nabad ah, isagoo xusay in kulamadan looga hadlayo amniga la qaban doono todobaadkiiba mar oo la joogtayn doono.

Taabid Cabdi Maxamed, ayaa noqday Guddoomiyihii u horeeyay ee la hoos-keeno Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir oo hada xubin ka ah Golaha Amniga Gobolka Banaadir.

Bil ka hor ayay aheyd markii Golaha Wasiirada ay soo saareen go’aano amni oo la xiriiray sugida magaalada Muqdisho, waxaana go’aanadaas qaarkood la hoos-geeyay Maamulka Gobolka Banaadir.

WQ:- Ali Omar Ghedi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment