2733 Views

Iska hor imaad ka dhacay Muqdisho

Iska hor imaad ka dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 09, 2017 — Faah faahin ayaa ka soo baxaya Iska hor imaad sababay dhimasho iyo dhaawac oo saaka ka dhacay agagaarka xarunta degmada Kaaraan, kaasoo dhex maray Ciidamada Xasilinta iyo ciidamo milateri ah oo ah ciidamada deegaanka.

Ciidamada Xasilinta ayaa la sheegay in markii hore aanu qorshaha ugu jirin in howl gal ay ka sameeyaan degmada Kaaraan, balse loo yeeray.

Iska hor imaadka ayaa yimid, xilli xarunta degmada Kaaraan ay ka socotay howlo raashin qeybin ah, waxaana la sheegay in ciidamo deegaanka ay goobta ay ka socotay raasin qeybinta ay qalalaase ka sameeyaan.

Hase ahaatee maamulka degmada Kaaraan ayaa la sheegay inay u yeerteen ciidamada xasilinta, kuwaasoo markii dambe si deg deg ah ku yimid degmada Kaaraan.

Ciidamada oo watay gaadiidka dagaalka ayaa la sheegay in ciidamadii hubeysnaa ku amreen inay hubka dhigaan, balse rasaas ku bilaabay, waxaana is rasaaseyn socotay muddo ay ciidamada xasilinta gacanta ku dhigeen hal askari iyo qorigii uu watay.

Iska hor imaadka ayaa waxaa ku dhintay Guddoomiye Waaxeed ka tirsanaa degmada Kaaraan oo lagu magacaabo Cabdi Jiis, halka labo qof oo kale oo mid haweeney aheyd ay ku dhaawacmeen.

Xaalada degmada Kaaraan ayaa markii dambe caadi ku soo laabatay, iyadoo dadka deegaanka ay mar kaliya qal qal galeen, markii ay is rasaaseynta bilaabatay.

.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment