2589 Views

Wasiirka Amniga oo xalay kormeeray saldhigyada booliiska ee qaar ka mid ah Degmooyinka G/Banaadir

Wasiirka Amniga oo xalay kormeeray saldhigyada booliiska ee qaar ka mid ah Degmooyinka G/Banaadir
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 09, 2017 —  Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaalia Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa xalay kormeer ku tegay qaar ka mid ah saldhigyadda booliiska ee Degmooyinka Gobolka Banaadir.

 Kormeerka wasiirka ayaa ku wajahnaa hubinta shaqada Ciimadamada Amniga  waxa uuna wasiirku ka hadlay qorshaha lagu xaqiijinayo ammaanka caasimadda iyo uruurinta hubka sharci darrada ah.

Saldhigyada booliiska ee wasiirku xalay booqday ayaa kala ahaa Saldhigyada  Kaaraan, Waabari, Shibis iyo Xamar Jajab,waxa uuna soo indha indheeyay sida shaqadu u socoto, isagoo warbixin o ka dhageystay taliyayaasha saldhigyadaasi.

Wasiirka amniga ayaa sheegay in howlgalka hub uruurinta ah uu qeyb ka yahay qorshaha lagu xaqiijinayo amaanka guud ee caasimadda.

Wuxuu tilmaamay in habeen iyo maalinba ay ciidamadu wadaan howlgallo qorsheysan oo lagu sugayo ammaanka caasimada kaasoo socondoona tan iyo inta laga xaqiijinayo ammaanka guud ee dalka.

Dhanka kale wasiirka amniga ayaa ka tacsiyeeyey dadkii ku geeriyooday weerarkii  shalay ka dhacay tuulada Af urur,  ee buuraleyda Galgala ee gobolka Bari.

p2

p3

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment