4050 Views

Muqdisho oo laga Dareemayo Amnni Bilow ah.!!!

Muqdisho oo laga Dareemayo Amnni Bilow ah.!!!
____________________________________________________________________________

June 10, 2017

 

Muqdisho oo laga Dareemayo Amnni Bilow ah.!!!

Horaa loo yiri  “dad Xume ninkii ku yiraa, dad laawaa la yiraa”

 

Maal mahan Magaalada Muqdisho, waxaa laga dareemayaa Amnni bilow ah oo u baahan in la siixoojiyo, waana  arin ay aad ugu farxeen Shacabka ku nool Muqdisho. Waayo horaa looyiri “ Nabad la’aan, waa Nolol la’aan”.

Sida la wada og yahay Nabadu waa FURAHA Nolosha wanaagsan ee umadi ku yeelato Magac iyo Mansab lagu amaano mar walba, hadii aad maqasho wadan Hebel waa wadan Fiican, macnaheedu ma aha in wadankaas dhul ahaan in uu fiicanyahay ee waa Nabada ama Amaanka ka jira dalkaas , waayo hadii Nabadi aysan ka jirin wadan, nololi kama jirto Dhaqaale kasta halahaado, Tusaale waxaa noogu fillan wadanka CIRAAQ, waa wadan leh  dhaqaale, laakiin aysan nabadi ka jirin.

 

Hadaba, Dowlada waxaa laga rabaa in ay isticmaasho Awooda uu siinayo Sharciga Dowladnimo ee lagu doortay, iyadoo aad looga Taxadirayo in aysan dhicin Qaladaad keeni kara in la iska HORKEENO Dowlada iyo Shacabka, iyadoo la addegsanayo HAB QABIIL.

Waxaa muhiim ah, dowlada in ay diyaarsato  Qodobo Sharciyeed ay ku Fulinayso Howlgalka lagu sugayo Amaanka, si aysan dadka qaar u helin DUL DULEELO lagu dhaliilayo Howlgalka dowlada, waayo waxaa jira Shaqsiyaad aan Rabin in ay Muqdisho nabad Noqoto, rabana in lagu sii jiro Amaan xumada ka jirta Caasimada.

Hadaba, waxaan halkan ka soo jeedinayaa Talooyin wax tar u leh howl galka iyo Nabadaynta.

 

  • Waa In lala hadlo Hogaamada dhaqanka Beelaha Dega Muqdihso, loona cadeeyo Howgalka Nabadaynta in ay Qayb ka yihiin, ayna uga digaan Shacabka in aan la Siyaasadeyn Nabadaynta Muqdisho.
  • Waa In la abuuro Maxkamad u QAAS ah, Nabadaynta Muqdisho, waana in ay Maxkamada Shaqaysaa 24 saac maalin kasta, waana in loo dhiibo Shaqsiyaad SHARCIGA aqoon u leh.
  • Waa in Howlgalka loo magacaabo GENERAAL Aqoon u leh Howgalada Nabadaynta iyo la dhaqanka Ciidamada.
  • Waa in la abuuro, Ciidan u qaas ah, soo aruurinta Xogta Goobaha lagu samaynayo Howlgalka, si looga fogaado Qaladaad dhalin kara isku dhac, Shacabka iyo Ciidamada.
  • Waa in Ciidamada Howlgalka lasiiyo Aqoon kororsi la xiriira Howlgalka iyo la dhaqanka Shacabka, waana in la Badbaadiyo Dhiiga iyo Dhaqaalaha Shacabka.
  • Askarigii ku Xadgudba Qof Shacab ah, waa in si deg deg ah Maxkamad loo saaro, laguna qaado Xeerka Ciqaabta uu muteysto.
  • Waa in loo sameeyo Shacabka / Siyaasiyiinta Wacyi Gelin JOOGTA ah, laguna adkeeyo in ay si daacad ah u la shaqeeyaan Ciidamada Howlgalka.
  • Waa in loo diraa CODSI Shaqsiyaadka HAYSTA HUBKA CUL CULUS, loona sheego in ay Hubka ku soo wareejiyaan Dowlada, Dowladana waa in ay Bixisaa Magdhow Macquul ah
  • Waa in laga qado Talaabada ku haboon ee waafaqsan Sharciga Cidii ka Hortimaado Howlgalka Nabadaynta, iyadoo la horkeenayo Sharciga.
  • Waa in la tira koobaa Garaash yada lagu xareeyo Gaadiidka ee ku yaal gudaha Muqdisho, iyadoo Cadayn laga reebayo Shaqsiyaad leh ama Kiraystay.
  • Waa in loo sameeyaa Afar Xarumood oo ku kala yaala Geesaha Magaalada Ciidamada Howlgalka, si loo sahlo Howlaha Gurmadka.
  • Waa in labaraa Arkarta NAQSHADA Magalada Muqdishso ama Maap-ka magaalada, waayo waa muhiim in Ciidamadu bartaan.
  • Waa in lagu amro Gudomiyayaasha degmooyinka in ay furaan, wadooyinka XIRAN ee dhexmara Xaafadaha, si loo sahlo Gurmadka Ciidamada markii loo baahdo.
  • Waxaa Xaqiiq ah howlgalkan in uu noqondoono mid u baahan Aqoon, waaya aragnimo iyo Taxadir dheeraad ah, si loo ilaaliyo kalsoonida Shacabka, waana in mar walba laga fiirsadaa howgal kasta inta aan la qqadin.
  • Askarta howgalka waa in loo diyaariyaa, isbitaalo gaar ah, kal kaaliyayaal Caafimaad iyo Ambalaasyo la shaqeeyo howgalka.
  • Mar kasta oo howl gal jiro, waa in ay jiraan Masuuliyiin ka tirsan dowlada oo ku jira HEEGAN, waayo Ciidamada howlgalka mararka qaar, waxay u baahan yihiin go’aano deg deg oo larabo in qof masuula BIXIYO.

 

Ugu dambayn, dowladu waa  in ay adeegsataa, awoodeeda dowlanimo, iyadoo fulinayso balantii ay ka qaaday Shacabka, balantaasi oo ay ugu horeysay Sugida Amaanka, dowladu waa in ay tustaa Shacabka in ay fulinayso balamahii ay qaaday, si loo helo kalsoonida Shacabka.

Shacabka waxaa laga Codsanayaa in ay la shaqeeyaan Dowlada, si loo helo Amaan lagu kalsoonyahay, waayo Nabad la’aan waa Nolol la’aan, midna aan ogaano, waa waajib in aan ku dhisno dalkeena Iskaa wax u qabso, si loo soo celiyo Sharafta iyo karaamada umada Somaaliyeed.

W/Q Cumar Farax

Qaranimo-online/ Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment