2589 Views

Taliyaha Ciidamada Xoogga oo diray digniin

Taliyaha Ciidamada Xoogga oo diray digniin
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 10, 2017 —Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid oo la hadlay Warbaahinta ayaa digniin u diray dadka wata tuutaha Ciidamada Milatariga ,islamarkaana aan ka tirsaneyn Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay in tilaabo adag laga qaadi doonto cidii aan ka tirsaneyn Ciidamada Milatariga Soomaaliya ee lagu arko tuutaha Ciidamada.

Taliyaha ayaa sidoo kale ugu baaqay in ay baneeyeen dadka degan guryaha ay leeyihiin Ciidamada xoogga .

Mudane Cirfiid ayaa sidoo kale ka hadlay Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ee wata Askarta xiran tuutaha Ciidamada Milatariga Soomaaliya.

Waxaa uu ugu baaqay in ay ka siibaan dharka Milatariga inta aan laga qaadin tilbaabo.

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment