2535 Views

Xafiis lagu diwaan gelinaayo Ilaalada Madaxda dowladda oo la furayo

Xafiis lagu diwaan gelinaayo Ilaalada Madaxda dowladda oo la furayo
____________________________________________________________________________

uqdisho  | QOL | June 10, 2017 —Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdixakiin Daahir Saciid oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Magaalada Muqdisho laga furaayo Xafiisyo loogu tala galay in lagu diwaan geliyo ilaalada ay wataan Madaxda dowladda Sida xildhibaanada iyo Wasiirada.

Taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in Xafiisyadaan lagu furi doono Muddo dhan 48 Sacaddood.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in Astaan iyo dhar gaar ah loo sameyn doono Ilaalada ay wataan Madaxda dowladda Soomaaliya si loo xaqiijiyo Ammaanka.

Taliye Saacid ayaa sidoo kale tilmaamay in aan magaalada Muqdisho lagu arki Karin Ciidamo aan wadan warqad Aqoonsi marka laga reebo Ciidamada Xasilinta Caasimadda.

Hadalka kasoo baxay Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa uu kusoo beegmaya xilli Magaalada Muqdisho howgallo xooggan ay ka wadaan Ciidamada Xasilinta Caasimadda.

 

 

 

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment