4542 Views

Daawo Sawirada:- Madxweynah dalka oo lakulmay qaarkamid ah gudoomiyayaashii hore ee dagmooyinka G/Banadir

Daawo Sawirada:- Madxweynah dalka oo lakulmay qaarkamid ah gudoomiyayaashii hore ee dagmooyinka G/Banadir
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 11, 2017—– Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa xarunta Madaxtooyadda xalay kula kulmay Gudoomiyeyaashii degmooyinka gobolka Banaadir ee dhawaan dowladda Soomaaliya ay xilalka ka qaaday sabab la’aan.

Madaxweynaha ayaa Gudoomiyeyaasha u sheegay in ay wax badan usoo qabteen gobolka Banaadir , islamarkaana uu saameyn ku yeeshay isbadelkii dalka ka dhacay .

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaliya ay dhalinyaradaasi ay siin doonto xilal iyo Shaqooyin maadaama ay dalka wax u badan ay usoo qabteen , islamarkaana ay soo shaqeeyeen Waqti Adag, oo Magaalada Muqdisho ay ka jirtay Xaaladda aad u xun.

Mudane Farmaajo ayaa Gudoomiyeyaashii hore ee degmooyinka gobolka Banaadir ka codsaday in ay la shaqeeyaan Gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ee dhawaan ay dowladda Soomaaliya ay magacowday,Maadaama ay ka qibrad badan yihiin.

Kulanka uu la qaatay Gudoomiyeyaashii hore degmooyinka ayaa waxaa uu kusoo beegmaya xilli qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay si weyn ay u dhaliileen in dowladda Soomaaliya ay hal maalin Shaqadda ka wada ceyriso 14 Gudoomiye Degmo .

Gudoomiyeyaashii hore  xilalka laga qaaday ayaa ahaa kuwo saameyn badan ku leh gobolka Banaadir ,maadaama ay ahaayeen dhalinyaro wax baratay oo xilliyadii dagaalka aan dalka ka bixin, Marka laga reebo waxbarashooda oo badankood ay kusoo qaateen dalka Suudaan

001

002

.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment