2379 Views

Kenya oo sheegtay in ay qabatay qaraxyo iyo raggii watay

Kenya oo sheegtay in ay qabatay qaraxyo iyo raggii watay
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 12, 2017—— Ka dib howlgal ay iska kaashadeen ciidamada sirdoonka Soomaaliya iyo kuwa Kenya ayaa lagu soo qabtay lix nin oo lagu tuhmay in ay weeraro ka geysan rabeen gudaha dalka Kenya.

Lixdaan  nin ee la qabtay waxaa ku jiray  labo nin oo  kenyaan  kuwaasi oo qorsheynaayay in ay weeraro xooggan ka geystaan Gudaha Kenya sidaasi waxaa war qoraal ah ku yiri taliyaha Ciidamada booliska Kenya Joseph Boinett.

Howgalkaan ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Bulla Xaawo iyo sidoo kale Mandera.

Boinett, ayaa sheegay in Abdulahi Daud Adan iyo Ismail Issack  oo labaduba kasoo jeeda Mandera  la rumaysan yahay in ay hogaaminaayeen weerarkaan lagu qaadi rabay Kenya.

Halka afarta kala ee Soomaalida  ah ay kala yihiin Mohammed Ali Weythow, Xassan Aadan Bulle, Xassan Maxamed Jaamac iyo Axmed Muhhamed Muse.

Boinett, ayaa intaa hadalkiisa waxa uu kusii daray in raggaan ay wateen waxyaabaha Qarxa.

Waxa uu sheegay in dhammaan lixdooda hadda ay baaritaano dheer ay ku haayaan ciidamada,islamarkaana dhawaan lasoo taagi doono Maxkamad ku taalla dalka Kenya.

.

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment