2898 Views

Mid ka mid ah ergadii Cadaado oo xalay lagu dilay Muqdisho

Mid ka mid ah ergadii Cadaado oo xalay lagu dilay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 12, 2017 — Beryahaan ugaarsiga lagu haayo Ergadii Xildhibaanada ku dooratay gobolada dalka ayaa sii kordhaya, iyadoo xalay lagu dilay Muqdisho. mid ka mid ah ergadii Xildhibaanada ku dooratay degmada Cadaado. 

Rag Hubeysan ayaa xalay ku dilay Xaafada Xamar bile ee degmada Warta Nabada nin magacaabi jiray Axmed C/qaadir Xuseen, waxaa la sheegay inuu ka mid ahaa ergadii Xildhibaanada Baarlamaanka ku dooratay Cadaado.

Dilkan waa kii labaad oo shalay illaa xalay Muqdisho loogu geysto ergooyinka Xildhibaanada ku soo doortay Gobolada dalka, gaar ahaan kuwa Cadaado tagay.

Shalay, ayaa nin Ganacsade ahaa oo la sheegay inuu ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada ku dooratay Hirshabeelle lagu dilay Suuqa beerta ee degmada Waabari.Kooxdi falka gaaysatay ayaa ila hadda la helin.

Inkastoo ay magaalada ka socdaan howl gallo ay wadaan ciidamada Xasilinta, isla markaana la dhigay waddooyin badan ayaa hadana waxaa sii kordhaya dilalka ka dhacaya degmooyinka Gobolka Banaadir oo ad moodo in loo qorsheeyay.

Tan iyo horaantii bishan Ramadaan waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay in ka badan toban ruux oo u badnaa ergooyinkii Xildhibaanada ku dooratay gobolada dalka, haba u badnaadeene dhanka Cadaado.

.

.

WQ:- Ali Omar Ghedi

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | MuqdishO 

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment